Dabley dhac geysanaysay oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaanahaan la geeyey  gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa aroornimadii saakay gacanta ku soo dhigay dabley hubeysan oo dhac ka geysaneysay suuqaasi sida Idaacadda Risaala ay wararka ku heleyso.

Dableydaan oo lagu sheegay in ay gaareyeen ilaa iyo Saddex  ruux ayaa labbo ka mid ah  ciidamadda amaanku gacanta ku dhigeen halka sida la sheegey weli la baadi goobayo midka Saddexaa waxaana ay wateen mooto Bajaaj oo ay u adeegsanayeyn gaadiid ahaan.

Mid kamid ah labbada dabley ee la soo qabtay ayaa lagu dhaawacay howlgalka lagu soo qabanaayey sida ay sheegeyn goobjoogayaal.

Idaacadda Risaala ayaa wararka ku heleysa dableyda lasoo qabtay in ay dhac horey usoo geysteyn  ka hor intaan la soo qabaan waxaana durbadiiba goobta soo gaaray dad sheeganaayo in  moobeeladooda ay dableydaan ka soo dhaceen.