Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa xusay heshiiskii dhowaan Puntland iyo Dawladda Federaalka ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in uu ahaa heshiis taariikhi ah, mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto isla markaana dhabbaha u jeexaya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.
Madexweyne Gaas ayaa u mahadceliyey Raysalwasaaraha Soomaaliya dadaal ay ka qaatay hishiiskii Magaalada garoowe.
Raysalwasaaraha Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo looga hadli doono hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Puntland iyo Dawladda Federaalka, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland ayuu yiri, kuwaas oo la xiriirey hannaanka geeddi-socodka doorashooyika 2016-ka iyo dhammaystirka dastuurka qabyo qoraalka ee Soomaaliya.
Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa maalmahii lasoo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka puntland.



