DAAWO: Tababar ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Ku dhowaad 30 Wariye oo ka kala socotay qaar ka mid ah warbaahinada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa maanta Tababar loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda IMS-FOJO, waxa uuna socday muddo 2 Maalmood ah.

Tababarkaan ayaa waxaa Suxufiyiintii ka qeyb gashay lagu barayay habka Wanaagsan ee tabinta Doorashada Soomaaliya.

Xiriiriyaha Hay’adda IMS-FOJO Abuukar Al-badri ayaa sheegay in Tababarkan uu ka mid yahay Tababaro ay ugu tala galeen in Suxufiyiinta Soomaaliya aqoontooda kor loogu qaado.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Guddiga Doorashooyinka iyo Wasaarada Warfaafinta ay ka shaqeynayaan diiwaan gelinta Wariyeyaasha ka qeyb galaya Tabinta Doorashada.

Abuukar Al-badri ayaa ugu baaqay Suxufiyiintii ka qeyb gashay Tababarka in ay sii gudbiyaan waxyaabihii la baray.

 

2q 3q 4q 5q 6q 7q 8q 9q 10q 5q