War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaan in Xabsi uu ku xirnaa uu ka baxsaday wasiirkii Wasaaradda Amniga jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan,kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Wasiirka,iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan,inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa.
“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan ayay tiri’Taliye Zakiya.
Daawo Warbixin iyo Wariye Cabduqaadir jakaarta
Sidee ayuu Xabsiga uga baxsaday Wasiirkii Amniga Jubaland?.
Posted by Risaala Media Corporation on Tuesday, 28 January 2020



