Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow heshiis la gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, iyadoo lagu heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Odayaasha u tagaan Jowhar, si loo amba qaado shirka dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulamo saacadihii la soo dhaafay u socday madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa markii dambe la isku afgartay.
Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah ah, in shirka Jowhar dib loogu laabto, in talada gacanta loo geliyo odayaasha labada gobol, dowladduna ay fududeyso iyo in wada jir loo raadiyo dadka diidan ama dhaliisan shirka.
Wasiirka arimaha gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in wixii berri ka bilowda la bilaabi doono daad-gureynta ergada ka qeyb galeysa shirka.
Hase ahaatee odayaasha kale ee uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa heshiiska ka soo horjeestay, iyagoo sheegay in aanu quseyn heshiiskaas.
a


