Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa dad ku weeraray Magaalada London ee caasimada dalka Britain, waxuuna dilay Haweenay 6 qof oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegeen ilaha ammaanka dalka Britain.
Dowladda Britain ayaa toddobaadkan waxay sheegtay in a kordhisay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Magaalada London.
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegaya in maskaxda looga jiray waxaana da’diisa lagu sheegay 19 sano jir.







