Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ,waxaa maanta ka furmay Shirka u dhaxeeya Shabakada 2013 kaasi oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Shabakada 2013 ahna agaasimaha guud ee idaacadda Risaala Maxamed Cabdiwahaab Cabdulaahi ayaa sheegay u jeeda shirka uu yahay sidii ay isku wareysan lahaayeen xubnaha qeybta ka ah ururka.
Waxa uu sheegay shirkaan in uu socon doono muddo saddex cisho ah ,islamarkaana la filaayo in lagu doorto hogaanka shabakada ,madaama hogaankii hore waqtigu ka dhamaaday.
Shabakada 2013 ayaa ah Shabakad warbaahineed oo ay ku mideysan yihiin warbaahinta ku taala muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.



