Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ka furay Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Magaalada Boosaaso.
Furitaanka Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato ,Madaxda gobolka Bari iyo sidoo kale quburo caalami ah.
Madaxweyne Cabdiwali oo Khudbad kooban jeediyay ayaa bogaadiyay Ganacsatadii Hirgalisay Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka iyo sidoo kale maamulka gobolka Bari.
Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo Madaxda Ganacsiga Puntland ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waxaa ay gaartay Horumar ballaaran , waxaana waxbadan laga qabtay Kaabayaasha dhaqaalaha.



