Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa lagu qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan Adeegsiga Habboon ee Af-Soomaaliga ee Warbaahinta.
Dood Cilmiyeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qab qaabiyay ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee Somali Media Association (SOMA), Somali Pen, iyo Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.
Waxaa ka soo qeyb galay Dood Cilmiyeedkan looga hadlayay Adeegsiga Habboon ee Af-Soomaaliga ee Warbaahinta Mas’uuliyiin ka socotay Saddexda xarumood, Macalimiin, Wariyeyaal iyo xubno kale.
Siminaarkan ayaa intii uu socday waxaa falan qeyn lagu sameeyay qaabka ugu habboon ee loo adeegsan karo Af-Soomaaliga oo hada Soomaalidu inta badan aysan ugu hadlin sida saxda.
Mas’uuliyiinta soo qaban qaabisay Dood Cilmiyeedkan ayaa waxa ay sheegeen in ay jiri doonaan kulamo kale oo looga hadlayo Adeegsiga Habboon ee Af-Soomaaliga ee Warbaahinta.
Ka qeyb galayaashii kulankan ayaa ugu dambeyn ka mahad celiyay waxyaabaha ay barteen inta uu socday Dood cilmiyeedkan, waxaana ay sheegeen in waxyaabo badan ay ka faa’ideen.





