Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa tan iyo shalay markii la geeyay dhaawacyada waxa uu yahay mid aad u mashquul badan oo Dhaqaatiirta ay wadaan la tacaalida dadkii Dhibaatada ay soo gaartay.
Waxaa lagu arkayaa gudaha Isbitaalka dad badan oo soo booqday Isbitaalka, halka dad kale oo waalidiintooda raadinaya lagu arkaayay Maanta Isbitaalka.
Dhaawacyada Isbitaalka yaalla, ayaa gaaraya ilaa 50 ruux oo dad shacab ah, waxaana socota daryeelka Dhaqaatiirta ay u fidinayaan dadkaasi.








