Beledweyne-RisaalaFM- Iyadoo maanta ay ku beegneyd maamlinta dhalinyarada ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar lagu qabtay munaasabado loogu dabaal degayay xuska 15-ka May.
Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha laga xusay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabad si heersaro loo soo agaasimay oo lagu qabtay Beledweyne ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Beledweyne, Dhalinyaro iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dabaal dega 15-ka May ayaa looga hadlay caqabadaha heysta dhalinyarada iyo sidii looga hortagi karo dhibaatooyinka Tahriibka.








