DAAWO SAWIRRADA: IOM oo Hay’adda Socdaalka ku wareejisay Gawaari “SAWIRRO”

Kismaayo-RisaalaFM- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.

Gawaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray ayaa waxa ay sheegayaan in la ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay gudbaan Xaduudaha.

Sidoo kale Gawaaridan ayaa sahlaya in si deg deg ah loo ogaado dadka sharci darada ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.

Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaana maanta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa.

 

DSC_0308 DSC_0310 DSC_0316 DSC_0325 DSC_0336 DSC_0346 DSC_0372 DSC_0385