Gaalkacyo-RisaalaFM- Ciidamadii isku hor fadhiyay Magaalada Gaalkacyo ee ka kala tirsanaa Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu guuleystay in la kala qaado.
Kala qaadista ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Guddiyada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Munaasabadii lagu kala qaadayay ciidamadan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iyo ra’iisal wasaare Sharma’arke iyagoo aad u soo dhoweeyay horumarka laga gaaray heshiiska Gaalkacyo.
Marka laga yimaado hadalada labadan Madaxweyne, waxaa Kumanaan qof oo ka qaxay magaaladu ay daadsan yihiin deegaanada u dhaw dhaw magaalada.