Daawo: Maxaa ka soo baxay kulankii IGAD iyo Waxgradka Hiiraan ?

Beledweyne-RisaalaFM- Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kulamo la qaateen Waxgaradka Hiiraan, kuwaas oo aragti ahaan ka soo horjeeda shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa u muuqday mid guuldaro ku dhamaaday maadaama Labada dhinac aysan shaacin natiijo wanaagsam oo ay isku afgarteen.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii udambeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Kulanka marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Duubabka Dhaqanka Beledweyne Ugaas Cali Ugaas Maxamed, waxaana uu ka warbixiyay kulanka waxyaabihii looga hadlay.

Markii la isku fahmi waayay kulanka dhexmaray urur goboleedka IGAD iyo Waxgaradka Hiiraan ayaa xubnihii ka socday IGAD waxa ay soo jeediyeen in mudo 5 maalin ah ay dib isugu laabtaan Waxgaradka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo laga sugayo go’aanka ay soo gaaraan.

I1 I2 I3 I4 I5 I6