Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal waxaa ay ku burburiyeen Goobo ay ku Ganacsanayeen dad rayid ah oo ku yaalla hareeraha laamiga Maka-Almukarama gaar ahaan agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa Sigaar ah waxaa loo beegsaday Miisas ay Haweenka danta yar waxyaabo ay kamid yihiin Hilibka ku iibin jireen si ay ugu maareeyaan Nolosha Qoyskooda.
Hadaba qaar kamid ah Haweenka ayaa Maanta bilaabay inay ku dul ganacsadaan Taayaro maadaama Miisaskii laga qaatay,waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen dhibaatadii loo geystay Goobahoodii Ganacsiga.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Haweenka oo Risaala la hadlay.