Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira, oo ay wehliso Ku xigeenkiisa, Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneraal Subagle, ayaa booqday Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ambassador Francisco Madeira, ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuu baray Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneral Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti.
Intaasi kadib Saraakiisha ciidamada Burundi ee Jowhar ku sugan ayuu Madaxa AMISOM kala hadlay xaqiijinta ammaanka Degmada Jowhar iyo qaadista dagaalo lagu wajahaayo Ururka Al-shabaab.
Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneral Cismaan NUur Subagle oo la hadlay ciidamada ayaa u sheegay in shaqada Soomaaliya loo joogo ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Wuxuu sheegay howlgalka ciidamada AMISOM in uu wajahayo marxalad cusub oo isbedel hogaaneed ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in ciidamada ay la qabsadaan.
Ciidamada Burundi ee ku sugan Degmada Jowhar ayaa degan Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi.



