DAAWO:- Dagaal uu ku dhaawacmay gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu Igsoyska Siinaay ee magaalada muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada NISA ee jooga Koontoroolka ay joojiyen kadibna ay u diideen in uu wadada maro Gaadiidka waday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Goojooge la hadlay Risaala ayaa sheegay in dagaalka oo socday in ka badan 15 Daqiiqo uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Siinaay  ay istaageen.

Halkan ka Daawada Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka