Muqdisho-RisaalaFM-Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Weerarkii dhawaan lagu qaaday Masjidka nabigeena Muxamed NNKH, ayaa maanta lagu qabtay Masjidka isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.
Boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqidsho ayaa ka qeyb galay bananabaxa.
Mas’uuliyiintii banan baxa ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta iyo xubno kale.
Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimada Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed qaarkood.
Dadka banaan baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu amaanayo nabigeena Muxamed NNKH iyo guud ahaan ahmiyadda ay leedahaya ilaalinta goobaha xurmadda leh oo ay magaalada Madiina kamid tahay oo uu ku yaalo masjidka labaad ee ugu barakeysan guud ahaan caalamka.




