DHAGEYSO: Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay ilaalinta xuquuqda Musharaxiinta

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey) ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan Guddi iyo Hay’addo ka shaqeeya ilaalinta iyo ku xad gudubyada Musharaxiinta iyo dadka ka qeyb galaya Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay Guddigaasi iyo Hay’adahaasi in ay ka shaqeyn doonaan xuquuqda ay leeyihiin Musharaxiinta iyo Dadka ka qeyb galaya Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddigaasi iyo Guddiga Doorashooyinka in uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn buuxda, islamarkaan ay si joogto ah u wada xiriiraan, si looga hortago xad gudub iyo dhibaato ka dhacda goobaha Doorashooyinka.

Magaalo madaxda Maamul Goboleedyada dalka sida Kismaayo, Bayadhabo, Cadaado iyo Jowhar waxaa ka soconaya Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare, waxaana lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo Bishan dhamaadkeeda.