Cristiano Ronaldo oo seegi doono kulanka kooxdiisa

Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa seegi doona kulanka kooxdiisu ay wajaheyso Barcelona wareega group-yada Champions League caawa.

Ronaldo ayaa ku guuldareystay inuu kazoo kabsado tujaabadii ugu dmaeysay ee Covid-19 24 saac ka hor ciyaarta.

Xiddiga reer Portugal ayaa markii ugu horeysay laga helay viruska October 13, markaasoo uu ku maqnaa waajibaadka qaran ee UEFA Nations League.

Ciyaaryahanka ayaa markaa ka dib diyaarad qas ah ugu duulay Turin, halkaas oo uu karantiil ku yahay tan iyo markaas.

mar kale ayaa la baaray laakiin wuu ku guuldareystay inuu iska kazoo reysto viruska.

Si kastaba ha noqotee, ficilkiisa kuma qanacsaneyn wasiirka isboortiga Talyaaniga Vincenzo Spadafora, kaasoo lagu soo waramayo inuu bilaabay baaritaan ku saabsan weeraryahankan sababo la xiriira ku xadgudubka borotokoolka dalka ee Covid-19.

Ronaldo, si kastaba ha ahaatee, wuu iska difaacay eedeymaha, isagoo ku andacooday inuu kaliya u duulay dalka talyaaniga kadib markii uu helay ogolaansho rasmi ah.