Koox Caan ah oo wadahadalo kula jirta Tababaraha Real Madrid

OK Diario ayaa ku warameysa in kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Paris Saint-Germain ay wadahadal la yeelatay tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane si loogu bedelo tababaraha haatan ee Thomas Tuchel.

Warbixinta ayaa sheegeysa in PSG aysan ku faraxsaneyn bilowga Tuchel kooxda galiyay xilli ciyaareedkaan.

Kooxda ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka, inkastoo ay shan guul gaareen guuldaroyinkas dib, hadana mar kale ayay guuldarro ka soo gaartay Manchester United kulankoodii furitaanka wareega group-yada Champions League.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay u weecatay dhanka tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane si ay ugu dhaqaaqdo jiho cusub.

Zidane, oo ku guuleystay Koobkii Adduunka isagoo ciyaartooy ah, ayaa laga xushmeeyaa dalkiisa hooyo waxaana lagu soo warramey in PSG ay si xor ah ula soo wareegi doonto haddii uu aqbalo shaqada.

Kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ayaa sidoo kale rajeyneysa in Zidane imaanshihiisa ka caawin karto joogitaanka Kylian Mbappe oo raadinaya inuu Real Madrid kula shaqeyo Zidane.

Zidane, in kasta oo uu la dhacsan yahay qaabka Madrid, waxaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay maamulka PSG inuu aad ugu faraxsan yahay Real Madrid waqtigaan.