C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ku guuleystay kursiga Baarlamaanka “SAWIRRO”

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug waxaa ka socota Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Galmudug.

Doorashadan oo hada socota ayaa waxaa kursigii uhu horeeyay ku guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud, kadib markii ay tanaasuleen Labadii Musharax ee uu la tartamaayay.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa helay 48 cod oo gacan taag ah, waxana ay walaalo yihiin C/laahi Gaafow Maxamuud oo hada ah Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Ergada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

 

1 2 3 4 5 6 7 8