Antonio Conte ayaa sheegay in uu ku ogaan doono awooda kooxdiisa Chelsea ay ku qaadi karto tartanka horyaalka ka dib marka kla gaaro Christmas.
Kooxda Blues ayaa afar kulan oo isku xigta Premier League guuleysatay, iyagoo dhaliyay 11 gool, halka aan laga dhalin wax gool ah.
Kulankii ugu dambeeyay ayay xalay 2-0 kaga badiyeen kooxda Southampton, Eden Hazard iyo Diego Costa ayaa ka saaciday goolasha kooxda Bules.
Laakiin Macalin Conte ayaa sheegay in uusan ka hadlin karin ku guuleysiga Horyaalka ilaa laga gaaro Christmas ama sanadka cusub , markaasoo kulamo badan oo xiriir ah la ciyaari doono.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Stamford Bridge Conte ayaa yiri: “In la joogo waqtigii la hadli lahaa muhiim ma ahan, Haddii haatan aad i weydiiso saadaasheena horyaalka, waa mid aad u adag in aan ka hadlaa ayuu yiri.


