Ciyaartoyda ugu caansan aduunka oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay ciida

Bishii Ramadaam ayaa soo dhammaatay Arbacadii iyadoo maanta caalamka Muslimka looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul-Fitriga, taasoo keentay inay mareegaha Twitter farriimo hambalyo iyo salaamo ah kusoo diraan ciyaartoyda iyo kooxaha kubadda cagta iyagoo Muslimiinta caalamka ku dhahaya Eid Mubarak.

Ciyaartoyda caanka ah ee farriimahaas hambalyada ah usoo diray Muslimiinta caalamka waxaa ka mid ah kubadsameeyaha kooxda Arsenal Mesut Ozil, si la mid ah saaxiibkiisa xulka qaranka Germany Lukas Podolski, gooldhaliyaha Real Madrid Karim Benzema iyo xiddigo kale oo caan ah.

Hadaba waxaan halkaan kusoo koobnay qoraaladii ay soo dhigeen Twitter-ka kuwaas oo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin maalintaan qaaliga ah.