Ciidanka Xoogga dalka & Kuwa Daraawiishta Jubland oo Hawlgal ka sameeyay gobolka Jubada Hoose

Cutubyo ka Tirsan Ciidanka kumaandooska  Danab oo kaashanaya kuwa  Daraawiisjta Jubland ayaa Hawlgal ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Ururka 5-aad Guutada 16aad ee Ciidanka Kumandooska Xoogga Dalka Somaliyeed & Ciidanka Guutada  2aad ee Daraawiishta Dowlad Goboleedka jubaland ayaa Hawlgal Qorshaysan Ka Sameeyey Deeganada Kala Ah Galooley , libaaxley,Dhakayn urur ‘iyo dhaqajo oo dhamantood Hoos Taga Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Hogaamineysay Hawlgakan ayaa sheegay in Ciidanku ay bur buriyeen Fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen degaanadaas waa sidaa ay hadalka u dhigeenee.

Hase ‘ahaatee’ Hawlgaka Ciidanka Danab iyo kuwa daraawiishta Jubland ay ka sameeyeen gobolka Jubdda Hoose ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ciidammdda Xoogga dalka dagaal ka dhan ah Alshabaab ay ka wadeen qaybo ka mid ah gobolada dalka.