Wafti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jenraal Yuusuf xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa gaaray degaannada Fuumo iyo Bandar Salaam oo dhaca dhanka xeebaha ee degmada kismaayo oo ay ku dagalameen qabaa’ilo wada daga deganadasii
Wafdigan ayaa isugu jiray G/S Sadiikh Maxamuud Dhogor , Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka jubbada hoose ,wasirka wasarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlada jubbaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ,wasirka wasarada cadalaada iyo arimaha diinta iyo masuliyiin kale
Ujeedka wafdigan ayaa darnaa in dib u heshisiin la dhex dhigo beelaha ay dirirtu ku dhex martay degaanadan islamarkana laxaliyo waxyabaha ay kala tabanayaan



