
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal ka sameyay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Gaashaale dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Ciidamadu ka sameeyeen degaannada kala ah, Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar-yareey, kuwaas oo hoostaga degmadda Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalka ku qabteen lix Xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa degaannada howlgalka ay Ciidamadu ka sameeyeen.
Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Gaashaale dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciifanka Kumaandooska Gor-gor, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha hoose, iyaga oo howlgallada uga hortagaya weerarada Al-Shabaab.



