Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa xalay ka dhacay deegaanka Goof-gaduud oo ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen 15 ka mid ah ururka Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidamada qaybta 60-aad ee Gobolka Baay Ismaaciil Khaliif Jire, ayaa sheegay dagaalkaasi in Khasaare ay ku gaarsiiyeen Shabaabka.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jab xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab.


