Ciidamada dowlada Soomaaliya qaybahooda kala duwan sida Milateriga, Booliska iyo Nabad sugida ayaa Maanta waxaa ay siwadajir ah howlgallo qorsheysan uga fuliyeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Qaar kamid ah Bulshada kunool gaar ahaan Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu Maanta siweyn u saameeyay maadaama intiisa badan laga sameeynayay wadooyinka waaweyn ee degmada Guriceel.
Taliyaha Booliska degmada Guriceel Dhamme Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in howlgalka ay ku beegsanayeen dadka aan la aqoon ee soo galay Magaalada iyo Gaadiidka Bacda Madow ee (Bensalka) ku dhegan yihiin.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaas ku daray in Shacabka aan laga ogolaan doonin Gaadiidka la dhiganayo waddooyinka dhexdeeda, isaga oo uga mahad celiyay sida ay amniga ugala Shaqeeyaan Ciidamada.
Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal qaatay Afar Maalin oo xiriir ah, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna walow xaaladda degmada ay degan tahay tan iyo markii ay isaga baxeen xoogaga Ahlusunna.



