Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta si buuxda ula wareegeen xarumo muhiim ah oo ay horey u haysteen ciidamo taabacsanaa maamulka Jubbaland.
Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay xarunta maamulka degmada, Saldhigga Booliiska iyo xarunta Socdaalka ee Makareeshinka, kaddib is mariwaa u dhexeeyay labada dhinac iyo dagaal culus oo la soo sheegay inuu halkaasi ka dhacay.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in arrintaasi ka dambeysay kaddib markii la gaaray heshiis hordhac ah oo dhinaca nabadda ah, inkasta oo ay weli jiraan xaalado hubanti la’aan ah oo laga dareemayo magaalada.
Diyaarado helikobtar ah ayaa maanta ka degay Beledxaawo, kuwaas oo sida la xaqiijiyay geeyay saanad ciidan iyo saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka – taasoo qayb ka ahayd qorshaha la wareegidda magaalada.
Xaaladda guud ee Beledxaawo ayaa haatan deggan, inkasta oo cabsi laga qabo in xiisaddu dib u kacsato maadaama dadka deegaanku ay weli si taxadar leh u eegayaan xaaladda cusub.



