Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay qabteen gaari iyo sidoo kale 7 laptop oo la doonayey in weerar qaraxyo ah lagu fuliyo .
Saraakisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey idaacadda Risaala in ay soo qabteen ruuxii watay gaariga iyo Laptopyada la dooneyey in weerarka lagu qaado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaliya ay soo qabteen ninkii computerada Qaraxyada ku sameynayey oo ku sugnaa degmada Howlwadaag.
Wali kama hadlin lamaaha amniga dowladda Soomaaliya.


