Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidamada dagaallamay ayaa xirnaa dharka ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi, waxaa ku dhintay qof dumar ah oo ka mid ahaa dadka Ganacsiga kuleh Suuqa degmada Kaaraan.
Dadka kunool Suuqa Kaaraan sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada dagaallamay hadda ay goobtii uu dagaallku ka dhacay in ay tageen.
Ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan Nabadsuggida iyo Booliska ayaa halkaasi gaaray.



