Ciidamo ku baxay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta waxaa laba maleeshiyo Beeleed uu ku dhex-maray deegaanka Qalaanqale oo Dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in labada maleeshiyo Beeleed ay isku heysteen dhul ku yaalla deegaanka ay ku dagaalameen,isla markaana dagaalkooda uu ahaa mid soo laab laabtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Galmudug ayaa gaaray Deegaanka Qalaanqale oo Dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhusamareeb ee lagu dagaalamay,iyaga oo la filayo inay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Mas’uuliyiinta tirsan Maamulka  Galmudug iyo kuwa Caasimadda Galmudug ayaa  la filayaa inay saacadaha soo socda tagaan deegaanka lagu dagaalamay oo haatan xaaladiisu ay tahay mid degan