Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen inta badan Xaafaddaha Magaalada marka.
Magaalada marko ayaa Xaafado ka mid ah waxaa gacanta ku haayay Al-Shabaab, halka Xaafaddaha qaarna ay joogeen Maleeshiyo Beeleed.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Markii ay soo galeen Ciidamada xoogga ee uu hoggaaminaayay Generaal Caanood.
Ciidamadaan uu hoggaaminaayo Generaal Caanood Maalmihii lasoo dhaafay ayay ka wadeen dhaqdhaqaaq Ciidan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhawaan ay gaareen degmada Shalanbood.
Magaalada Marka ayaa gacan ku heynteeda waxaa ku hardaayay Bilihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Maleeshiyo degaanka ah oo hubeysan.


