Real Madrid ayaa ku bilaabaneysa horyaalka La Liga iyadoo ay ka maqan yihiin Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo marka ay wajahayaan caawa kooxda Getafe kulanka ka dhacaya Bernabeu.
Zidane iyo Ronaldo ayaa Real u qaaday seddexdii sanno ee ugu danbeysay ee Champions League, laakiin tababaraha Faransiiska ayaa ka tagay Madrid ka hor inta uusan raacin xiddiga adduunyada ugu fiican oo 99 milyan ginni ugu biiray Juventus.
Tababarihii hore ee xulka Spain Julen Lopetegui ayaa la wareegay Real Madrid, laakiin waxaa durbadiiba cadaadis uu kala kulmayo taageerayaasha ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Wuxuu guul darradii ugu horeysay tartan rasmi ah 4-2 kala kulmay Uefa Super Cup kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid.
Casemiro ayaa dhaawacmay intii lagu jiray kulankii Super Cup, inkastoo Luka Modric oo kursiga keydka ku soo biwloday kulankaas diyaar uu u yahay kooxdiisa.
Real Madrid laguma garaacin biowga xilli ciyaareedka cusub ee La Liga tan iyo 2009kii.
Karim Benzema ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo weerarka oo ay kala ciyaari karaan Gareth Bale, Isco iyo Marco Asensio.
Ciyartaan waxaa la daawan doonaa 11:15 PM.



