Qaraxyo laga maqlay Marko

Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marko ee Caasimadda Shabeelaha Hoose qaraxyo khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay Magaalada ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta la wareegeen.

Labo Qarax ayaa la maqlay magaalada Marka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay ahaayeen Qaraxyo  Miino ah oo ay Aaseen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Saakay ka baxay magaalada marko.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal Miino Baaris  ah ka sameeyay magaalada Meelaha laga soo galo ka hor inta aysan gudaha u galin sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada ee gaaray degmada Marko.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxyo ay degmada Marko kula beegsadeen Ciidamada dowladda ee Magaalada qabsaday, islamarkaana ay dileen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka xoogga ee gaaray magaalada Marko.