Ciidamada Xoogga oo Howlgal ka wada Gobolka Gedo

Gedo-RisaalaFM- Taliyaha Ururka 49-aad iyo Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxamed Turbac ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad iyo Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac ee degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgaladaasi Ciidamada ay ka gaareen guulo wax ku nool ah, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya maalin ka hor ay howlgal ka fuliyeen degaanka Faxfaxdhuun, islamarkaana Al-Shabaab halkaasi khasaare ku gaarsiiyeen guulo la taaban karana Ciidamada Xoogga dalka ay la soo noqdeen.

“Runtii Howlgaladaasi guulo badan oo la taaban karo ayaa laga soo hoyiyay, khasaae weyn oo baaxad lehna waa loogu geystay cadowga Al-Shabaab, daraad wuxuu howlgal ka fulay aaga meesha la yiraahdo Faxfaxdhuun, khasaare weyn ayaa cadowga loogu geystay ilaa iyo 25-maleeshiyo ayaa looga dilay saddex gaarina waa looga gubay, qalab iyo hub fara badana waa laga soo furtay, meydkoodana waxaa la keenay faxfaxdhuun oo shalay dadka shacabka ah ay ku aaseen”. Ayuu yiri Taliye Faarax Maxamed Turbac.