Ciidamada Nabad Suggida oo toogtay ruux qof shacab ah dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliy ay toogteen ruux qof shacab ah ku dilay degmadaas.

Ninkaan oo watay Bistoolad iyo Bam gacmeed ayaa ruux shacab ah ku dilay Degmadaasi, waxaana durba dabagalay oo ceyrsaday ciidamada ammaanka Somaliya, iyadoo ninkaan uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada.

Intii ciidanka dowladda Soomaaliya ay daba joogeen ayaa waxaa uu soo tuuray dhowr bambo gacmeed ka dibna ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay toogtaan.

ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday howlgal lagu sugaayo amniga Muqdisho.