Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay sigaar ah Ciidamada uga fuliyeen howlgalka deegaanka Beerxaani ee duleedka Galbeed ee Magaalada Kismaayo,isla markaana ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Afhayeenka Hay’adaha Amniga Maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay sarkaal dhinaca Maaliyadda Al-Shabaab u qaabilsan miyiga Gobolka Jubbada Hoose,kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cali.
Afhayeenka faah faahin intaasi kasii dheer kama bixin howlgalka uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen duleedka Galbeed ee Magalada Kismaayo,halka weli aysan ka hadlin Al-Shabaab.