Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa soo badbaadiyay ruux ajnabi ahaa oo muddo ku afduubnaa deegaaano gobolka Mudug ka tirsan, sida ay sheegeen masuuliyiin maamulka Galmudug ka tirsan.
Ciidamada Nabad sugidda maamulka Galmudug ayaa ninka ajnabiga la sheegay iney kasoo furteen kooxo hubeysan oo afduub u heystay, waxaana iminka gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ruuxa ajnabiga ee lasoo badbaadiyay inuu ahaa dhaqtar u dhashay dalka Kenya.
Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen kadib waxay ku soo furteen ruuxa ajnabiga ah, waxaana la sheegay in lagu heystay deegaan ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
La soco faahfaahin Intaasi ka badan Insha allah.