Ciidamada dowladda oo ku baxay degaan uu dagaal ka dhacay

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybaha 27aad & 21aad ayaa ku baxay degaanka Nagaarta oo hoostago Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul daaqsimeed degaankaasi ku yaalla, waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac.

Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) oo  hoggaaminaya ciidankaasi dhanka Gal-gaduud waxaa iyane kayimid ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad, waxaana uu sheegay inay kala dhex-geli doonaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 27aad   ayaa waxaa ay sheegeen inay xaqiijin doonaan amniga degaanka lagu dagaalamay, si markale uusan u dhicin dagaalka u dhaxeeya labada maleesiyo beeleed.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Nagaarta oo hoostago Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, hayeeshee maleeshiyaadkii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan, kuwaas oo la filayo in la kala qaado.