Ciidamada dowladda oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaay

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ayaa  howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada galad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah looga fuliyay degaanada  ka ah Ceel hareeri & Meexaan oo hoostaga Degmada galacad ee  gobalka Galgaduud.

Waxaa ay intaaski ku dareen hadalkooda Saraakiisha in ujeedka howlgalka uu ahaa inay ka jawaabaan weerarkii Al-Shabaab ay dhawaan ku qaadeen degaamka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii socon donaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degmooyinka iyo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale ee Gobolkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo xoogan iyo u diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degmooyinka ay weli ku harsan yihiin.

Howlgalkan ay Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ayaa kusoo aadaya xilli ay istaageen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab wallow madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay dib u billaaban doonaan.