Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Risaala u xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka baxeen degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose oo ay shalay Al-Shabaab kala wareegeen.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada dowladda Sababta ay degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.
Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo Saldhigyadda Al-Shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay kusoo laabtaan Saldhigyadooda.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen inta badan degaanadii ay shalay tageen.
Ciidamada dowladda ayaa shalay howlgal ka bilaabeen degaano ay ku sugan yihiin Shabaab.
Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan degaanadii ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda.