Ciidamada Dowladda oo howlgal culus ka fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya ay egysay gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi Gedo.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay howlgalka ka sameeyeen degaano hoostaga degmada buurdhuubo, isla markaana howlgalkooda ay ku baadi goobayeen xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmada buurdhuubo.

Saraakiishu ma sheegin dad ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee waxaa ay sheegeen inay tageen dhowr tuulo, oo ay Al-Shabaab isaga baxeen, kuwaas oo ay howlgallo gaar ah ka fuliyeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xilliga la weeraray degmada Buurdhuubo uu ku wajahnaa Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Odawaa Yuusf Raage balse uu ka baaqsaday, isla markaana uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.