Faah faahin laga bixiyay Wariye ay xireen Ciidamada Dowladda

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay xalay Hooygiisa  kala baxeen Wariye Cabdullaahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in xariga Wariyaha sababta keentay ay kaliya ku tuhmayaan wareysi uu la yeeshay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ay Dowladda xirtay, balse aan faah faahin kale la siin.

Waxaa uu sharci darro ku tilmaamay in xilli habeen ah gurigiisa loo dhaco qof aan loo wadin warqad Maxkamadeed, isla markaana loola dhaqmay sidii qof baxsad ah oo kale.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin xariga Wariye Cabdullaahi Kulmiye, hayeeshee waxaa uu xariga qeyb ka yahay tacadiyaha inta badan lagula kaco Wariyeyaasha Soomaaliyeed.