Ciidamada Dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Galgaduud

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan degaano ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galabta.

Ciidamada Guutada 15-aad qeybta 21-aad ayaa dagaal shalay kula galeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ay Al-Shabaab degaankaas dadka ku dhibaateyn jireen, hayeeshee ay ka saareen, waxaana saaka ka socda dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada Dowladda.