Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo balaaran oo ay kaga soo horjeedaan

Ciidamadan oo badankood ka baxay magaalada Dhuusa mareeb ayaa doonaya in ay qabsadaan degmooyinka Ceeldheer,  Galhareeri iyo Xaradheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dhamaan deegaanadaas ku sugan ururka Al-shabaab.

Saraakiisha Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid qorsheysan oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamo badan oo Soomaali iyo ajaanib isugu jira.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay ku dagaalameen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.