Howlgallo ka socda Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo lagu dagaalamaayo Kooxaha burcadda jidgooyooyinka dhigtay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Degmada Cadalle waxaa ay ka waddaan Degaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gaafwareegaya waddaasi ,waxaana ay doonayaan in ay ka hortagaan Kooxaha dhibaatada u geysta dadka waddaasi isticmaala.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ciidamada dowladda ay kusoo qabteen howlgalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dalka oo dhan laga bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Kooxaha caadeystay in ay Shacabka dhibaateeyaan.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay xarunta Wasaaradda Gaanshaadhiga ugu soo bandhigay Ciidamo ku hubeysnaa dharka Ciidamada dowladda Soomaaliya , kuwaasoo jidgooyooyin dhigtay Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.