Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Jalalaqsi ayaa xabsiga dhigay 10 oday oo degaanka buurweyn uga qeyb galay Caleemasaarka nin ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Jalalaqsi Faarax Cali Gaafow ayaa Risaala u sheegay in odayaashaasi lagu eedeeyay in ay ka qeyb galeen Caleema saarka oday ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono odayaashaasi.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi iyo sidoo kale qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa hadda kulan kuleh degmada Jalalaqsi.


