DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u digay

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dibaatada Qabyaaladda ay leedahay, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay ogaadaan dhibaatada ay leedahay Qabyaaladda , maadaama uu sheegay waxa dalka burburiyay in ay tahay qabyaalad.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in qabyaaladda ay la hartay Bulshada Soomaaliyeed.

Cadowga koowaad ee dalka ayuu sheegay mudane Farmaajo in ay tahay qabyaaladda.

Umadda Soomaaliyeed ayuu ugu dambeyntii ugu baaqay in ay ka tanaasulaan qabyaaladda ,islamarkaana ay ka shaqeeyaan Soomaalinimadda.